Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

January 26, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Wasiir Goodax oo sharaxay sababta ay ardayda Muqdisho ugu bateen dhicitaanka imtixaanka – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia


Muqdisho-KNN-Maalin ka dib markii Wasaaradda Waxbarashada ee dowladda Federaalka ay ku dhawaaqday natiijada imtixaanaadka shahaadiga ee dugsiga sare, waxaa si weyn looga hadlay kumannaan arday oo wasaaradu ay sheegtay inay ku dhaceen imtixaankaasi gaar ahaan ardey badan oo ku sugan caasimadda Muqdisho.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay inay jiraan sababo u gaar ah arday imtixaanaadka ku dhacday ee gobolka Banaadir.

“In imtixaanka ay ardayda ka dhacaan waa in ay aysan ku guuleysanin. Sida loo saxo imtixaanka halkii maado ee qofkiiba waxaa saxa saddex qof, ka dibna waxaa uga sii dambeeya, qofka kale oo eegaya sidii wax loo saxay ka dibna kormeeraya, waxaana sidoo kale jira dad kale oo isku daraya dhibcaha ardayga uu helo iyo hubintooda, waxaana isleenahay sidii ugu quruxda badneyd ayaa loo saxay”, ayuu yiri Cabdullaahi Goodax Barre.

Wasiir Goodax oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Wax qarsoon ma ahan sida imtixaanka loo saxo oo walibana sannadkan waxaan ku casuumnay kuwa ay iska soo xuleen, kuwaas oo marqaati ka ahaa sida loo saxato imtixaanka.”

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hadal ka jeediyey xaflad uu Jaamacad uga qalin jebinayey ayaa yiri, “Waxaad ogtihiin imtixaankii shalay natiijadiisa la shaaciyey ee dugsiga sare lambarka arday ee ka dhacday.Waxaa lagu mashquulay Tiktok iyo Taabuu, marka qof kasta oo waxaas tacliintiisa uga mashquulay natiijadaas ayuu dhaxlayaa, qof kasta oo habeeno u soo jeeda dhisitaanka nafsadiisana mustaqbal ayuu dhisayaa, qofkii doonaya in uu meel gaarana runtii habeenuu dhafraa.”

 Halkan ka dhageyso codka Wasiir Goodax



Post Views:
155



Radio Kulmiye

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .