Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

January 26, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Soomaaliya oo ka mid noqotay dalalka la musuqay kharashkii la dagaalanka COVID-19 – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia


Muqdisho-KNN-Dalalka Kenya, Zimbabwe, Uganda, Soomaaliya iyo Nigeria ayaa lagu tilmaamay inay safka hore uga jiraan kiisaska musuq maasuq ah ee lagu sameeyey kharashkii loogu tala galay la dagaalanka cudurka Coronavirus oo caalamka ku baahay.

Agaasimaha guud ee ururka caafimaadka Adduunka (WHO) Tedros Adhanom ayaa la simay musuq maasuqa qalabka badqabka shaqaalaha caafimaadka inuu lamid yahay dil.

Sidoo kale waxaa warbixinta lagu cadeeyay inay jiri karaan dalal badan oo kale oo ku kacay musuq maasuqa lacagtii ay hey’addu ugu tala gashay la dagaalanka cudurka COVID-19.

“Heer kasta ama nooc kasta oo musuq maasuq lama aqbali karo. Si kastaba ha noqotee, musuq maasuqa la xiriira qalabka badqabka shaqaalaha caafimaadka aniga ahaan runtii waa dil. Sababtoo ah, haddii shaqaalaha caafimaadku shaqeeyaan bilaa qalab, waxaan qatar galineynaa noloshooda taasna waxay sidoo kale halis gelineysaa nolosha dadka ay u adeegaan. Marka waa dambi waana dil” ayuu yiri Dr. Tedros Adhanom.

Weriyaha Idaacadda Kulmiye Maslax Abuukar Xaaji ayaa warbixintan nooga diyaariyey.



Post Views:
114



Radio Kulmiye

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .