Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

May 27, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Sawirro-muuqaal: Madaxweyne Deni oo khudbad ka jeediyay kulanka soo dhoweyn ah oo loo sameeyay Madaxweynayaasha Dowladdaha Puntland iyo Jubaland


Muqdisho : 07 September 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa khudbad ka jeediyay kulanka soo dhoweyn ah oo loo sameeyay Madaxweynayaasha Dowladdaha Puntland iyo Jubaland.

Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay Xafladda soo dhoweynta ah, isagoo Madaxda kulanka joogay la wadaagay aragtida Puntland ee ku saabsan in ay dalka ka dhacdo doorasho la isla ogolyahay oo wakhtigeeda ku dhacda.

Kulanka oo ay soo diyaariyeen Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo Mudane Cali Mahdi, waxaa lagu soo dhoweeyay Madaxweyneyaasha Dowladdaha Puntland iyo Jubaland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Mudane Axmed Maxamed Islaam, waxaana ka qeybgalay Masuuliyiin ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka, Xubno ka mid ah goleyaasha kala duwan ee Dowladdaha Jubaland iyo Puntland, Hoggaamiyeyaal Xisbi, Siyaasiyiin, Hoggaan dhaqan, Waxgarad, Haween, Ururo Bulsho iyo qeybaha kala duwan Bulshada Gobolka Banaadir.




Puntlandes.com



Puntlandes News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .