Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

January 26, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Sawirro: Kulamo lagu xalinayo colaad ka taagan Galgaduud oo ka bilaawday Xananbuure – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia


Cadaado-KNN-Waxaa maanta lagu guuleystay in la kala dhex galo laba maleeshiyo beeleed oo maalmihii lasoo dhaafay ku dagaalamayey deegaanada Xananbuure iyo Qalaanqalle ee gobolka Galgaduud.

Kulamo xal loogu raadinayo colaadii ka dhex aloosaneed laba beelood oo ka soo kala jeeda Dhuusamareeb iyo Cadaado ayaa ka bilaawday deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud.

Xananbuure shalay waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyay labadaas maleeshiyo beeleed, waxaana maanta la kala dhex dhigay ciidamo ka socda dowladda Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug iyo ciidamo ka socda Militeriga iyo Nabad sugidda Soomaaliya ayaa gaaray deegaankaas, waxaana ka bilaawday kulamo xal loogu raadinayo colaadda.

Deegaanada Xananbuure iyo Qalaanqalle oo dhanka waqooyi uga beegan magaalada Dhuusamareeb, waxaa ku soo laalaabtay dirirta u dhaxeysa labadan maleeshiyo beeleed, waxaana weli lagu guuleysan xal u helida colaadaas.



Radio Kulmiye

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .