Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

June 24, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Dawlada Ingiriiska Oo Gaadiidka Dagaalka Ugu Deeqday Somaliya ( SAWIRRO )


Sep 7, 2020 Muqdihso (Cadceed) – Wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya ayaa gaadiid fara badan oo nooca dagaalka ah kala wareegtay dowladda Ingiriiska oo ka mid ah dowladaha sida weyn u taageero Soomaaliya.

Munaasabadda lagula wareegay baabuurtan oo ka dhacday magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale ku sugnaa xubno ka socda Ingiriiska, taliyaha qaybta 60-aad ee ciidamada Xoogga dalka iyo saraakiil kale.

Gaadiidkan oo ah kuwa casri ah ayaa waxaa loogu talagalay inay isticmaalaan ciidamada Xoogga ee dagaalka kula jiro kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka gaashaandhigga oo madasha ka hadlay ayaa u mahadceliyey dowladda UK, wuxuuna tilmaamay inay si deg-deg ah uga soo jawaabtay codsigii ay u direen.

“Waxaan u mahadcelinayaa dowladda UK oo nagu wareejisay gaadiid nooca dagaalka ah, ayna ka soo jawaabtay codsigeena oo ah in ay nagala qaybqaataan dib u dhiska Ciimadameena Qalabka sida.” ayuu yiri Wasiir Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe).

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe taageero kala duwan ka heleysay saaxobada Soomaaliya, waxaana dhowaan gaadiid gaashaaman oo casri ah ay kala wareegtay dowladda Turkiga oo iyana ka mid ah dalalka sida weyn u taageero Somalia.



Cadceed News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .