
Xildhibaan Daahir Aamin Jeesow oo katirsan xildhibaanada golaha shacabka ee Soomaaliya ayaa ka jawaabey hadal uu dhowaan sheegay xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo kamid ah mudanayaasha laga soo doorto deegaamada Jubbaland.
Daahir Aamin Jeesow oo ka jawaabayey hadalkii Xidig ayaa sheegay inuusan la yaabanayn isla markaana uu horay uga hayey muuqaalo uu kaga dalbanayo in la dilo madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).
“Waxaan haayaa Vedio oo iga codsanayaao Xidig aniga oo baraha bulshadana soo dhigi doono xildhiban Xidig oo iga codsanaayo in aan aniga Axmed la dilo” ayuu yiri xildhibaan Daahir Aamiin Jeesow.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu xildhibaanka kale ku eedeeyey la shaqaynta dalal shisheeye gaar ahaan Imaaraadka iyo kenya “Xidig waa sedex Kaare shalay Tikree u shaqeynayay oo Jaajuus u ahaa,maanta waxaa uu u shaqeynayaa Imaaraad iyo Kenyaati”.
More Stories
Wasiir Fiqi oo sheegay in la dardargaliyay howlaha ku saabsan gurmadka abaaraha – Radio Muqdisho
WARKA DUHUR 1:00PM (19-08-2022) – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia
Ciidamada Galmudug oo howlgal qorseesan Gaalkacyo ka sameeyay – Radio Muqdisho