
Booliska oo nin madow ah Tunka u saaray dhacdadii is-tooriyeynta ka dhacday Magaalada Birmingham

Booliska magaalada Birmingham ee dalkaasi Ingriiska ayaa soo bandhigay muuqaalka nin madow ah kaas oo ay u baafinayaan dhacdadii habeen hore ka dhacday magaalasaafi ee dadka badan lagu mindiyeeyay.
Hal qof ayaa ku dhintay falkaasi, todobo kalena waa ay ku dhaawacmeen, walow labo ka mid ah dhaawacyadaasi ay xaaladdoodu liidato, sida uu xaqiijiyay booliska.
Wali ma cadda waxa ninkani ku khasbay in uu dadka mindiyeeyo, waxaana la sheegay in dadka uu dhaawacay uu badankood u tagay mindidana la dhacay isaga oo aan la hadlin.
Booliska ayaa iminka baadi-goob baahsan ugu jira gacan-ku-dhiiglaha kaas oo lagu sheegay nin madow ah oo jira da`da u dhaxeysa 20-25 sano jir.
More Stories
Wasiir Fiqi oo sheegay in la dardargaliyay howlaha ku saabsan gurmadka abaaraha – Radio Muqdisho
Ruto oo u jawaabay Odinga, shaaciyeyna qorshihiisa
WARKA DUHUR 1:00PM (19-08-2022) – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia