
Beledweyne-KNN-Xaafado ka tirsan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa la soo sheegayaa in uu ku fatahay wabiga Shabeelle.
Boqolaal qoys ayaa xalay illaa maanta ka barakacay xaafadaha uu ku fatahay wabiga Shabeelle ee magaalada Beledweyne.
Meelaha qaar ayaa lasoo sheegayaa in uu wabigu karkaarada jabsaday, waxaana xusid mudan in dhawaan lagu sameeyay caratuurkii ugu weynaa meelihii uu kasoo fatihi jiray wabiga Shabeelle.
Wabiga Shabeelle ayaa khasaare lixaad leh horay uga geystay magaalada Beledweyne, kadib markii uu ku fatahay magaalada dhowr xilli roobaad.
Post Views:
16
More Stories
Madaxweyne Xasan oo sheegay ‘arrin dhif iyo naadir ah’ oo ay tahay in looga daysado Rooble
Ninkii caruurta laayay oo Xog cusub laga helay
Maxkamad ridday go’aan xasaasi ah oo ka dhan ah Trump iyo caruurtiisa