Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

January 26, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Dil ka dhacay deegaanka Qalaanqalle iyo xiisad saakay ka taagan – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia


Dhuusamareeb-KNN-Deegaanka Qalaanqalle ee gobolka Galgaduud waxaa lagu dilay nin oday ah oo ka mid ahaa dadka deegaanka salaadii Makhrib kadib ee xalay, waxaana saakay halkaas ka taagan xiisad colaadeed.

Dilka marxuumkaas waxaa geystay koox reer miyi ah oo ku hubeysnaa qoryaha AK-47-ka, sida ay noo sheegeen dad ka ag dhawa halka uu dilkaasi ka dhacay.

Deegaanka  Qalaanqalle ayaa waqooyi uga beegan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug, waxaana halkaas ka taagneed waayihii dambe xiisad u dhaxeysay laba beelood oo ka soo kala jeeda magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamreeb ee gobolka Galgaduud.

Qalaanqalle waxaa horay uga dhacay dagaallo u dhaxeeyay labadaas beelood, waxayna iska dileen dad badan, iyadoo waan-waan laga dhex waday ay hadda u muuqato mid guul dareysatay.

Dilka ninkaas ee ka dhacay Qalaanqalle kadib koox hubeysay oo wadata gaari ayaa weerar ku qaaday dad ku caweynayey maqaaxi ku taalla deegaanka Mareergur oo dhaca inta u dhaceysa Dhuusamareeb iyo Cadaado.

Inta la xaqiijiyey todoba qofood ayaa lagu dhaawacay weerarkaas, hal qof kalena goobta ayuu ku geeriyooday, sida ay noo sheegeen mas’uuliyiinta deegaankaas, waxaana baxsaday kooxdii weerarkaas geysatay.



Post Views:
156



Radio Kulmiye

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .