Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

August 19, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Galkacayo: Puntland oo Xirtay 4 Dugsi Sare


Wararka ka imaanaya magaaladda Galkacayo ayaa sheegayaa in dowladda Puntland ay albaabada isugu laabtay 4 Dugsi sare oo ku yaal waqooyiga Magaaladda Galkacayo,

Dowladda ayaa sidoo kale xabsiga u taxaabtay Maamulayaashii Dugsiyadaas maanta la albaabada la isugu laabay,

Axmed Huruuse oo ah Guddoomiyaha waxbarashada gobolka Mudug ee Puntland ayaa sheegay 4 dugsi sare ee ay maanta xireen laga soo gudbiyay dacwo, waxaana uu ku tilmaamay fowda ah.

Dugsiyasada oo kala aha Dugsiga sare ee Hormuud, Cabdullaahi Yuusuf, National iyo dugsiyada sare ee Waaberi ayaa eedaha kale ee loo soo jeediyay waxaa ka mid ah inaysan tayo lahayn, oo dhigayeen manhajka wasaaradda waxbarshada federaalka

Go’aanka Puntland ay ku xirtay 4 dugsi sare ayaa ku soo beegmaysa iyadoo maanta Magaaladda Muqdisho uu madaxweynaha dowladda federaalka uu ka daahfuray Manhajka Waxbarashada Qaranka ee Dugsiga Sare ee Somaliya.

HORSEEDMEDIA



Horseed News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .