Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

October 16, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Mogadishu Journal » Isbadal lagu sameeyay Qaar kamid ah gudoomiyaasha Degmooyinka G/Banaadir


Muqdisho:-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa is badal ku sameeyay qaar kamid ah Gudoomiyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir.

Wareegto kasoo baxday Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish ayaa gudoomiyaha degmada Shibis loogu magacaabay Cali Axmed Cabdulle (Cali Soomaali) oo ahaa Wariye kasoo shaqeeyay Idaacada Shabelle ee Muqdisho.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sidoo kale xilka ka qaaday Gudoomiyihii degmada Dharkeenley, waxa uuna degmadaasi Gudoomiye uga dhigay Guddoomiyihii hore ee degmada Xamar Jajab Guhaad Sh. Xasan .

Duqa magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale u magacaabay Xoghayihii degmada Dharkeenley Mudane Maxamed Suudi in uu noqdo Guddoomiyaha cusub ee Degmada Xamar Jajab .

Isbadalkan Gudoomiyaha gobolka Banaadir ku sameeyay qaar kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka gobolka Banaadir ayaa kusoo aadaya xili wada shaqeyn xumo baahsan ka dhaxeeso Gudoomiyaha gobolka iyo Gudoomiyaasha degmooyinka qaar.



Muqdisho Journal

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .