Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

October 16, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland oo ku soo wajahan magaalada Muqdisho – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia


Muqdisho-KNN-Madaxweynayaasha Dowlad gobaledyada Puntland iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islam Axmed Madoobe iyo Siciid Cabdullahi Deni ayaa la filayaa in ay goordhaw soo garaan magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka.

Madaxweyneyaashan ayaa Muqdisho u imanaya sidii ay ula kulmi lahaayeen, Madaxweynaha Dowlada  Federalka Soomaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, oo ay kawada hadlayaan arrimaha doorashoyinka dalka, maadama ay horay u diideen in ay ka qeybgalaan Shirkii Dhuumsamareeb 3 ee lagu go’aamiyey qaabka ay noqoneyso doorashada soo aadan ee dalka.

Hasa ahaatee arrinta ugubka ah ayaa ah in madaxweyneyaashan imaatinkooda in maanta loo xiray dhamaanba wadooyinka magaalada Muqdisho, oo la diiday isku socodkii gadiidka magaalada, waliba iyaga oo aan weli ka soo bixin magaaloyinkii ay ku nolayeen ee Garowe iyo Kismaayo.

Shacabka Muqdisho ayaa saaka ku soo toosay waddooyinka intooda badan oo xiran, iyadoo dadka ay u lugeynayaan maanta, goobahooda ganacsi iyo xarumaha waxbarashada, iyo kuwa shaqada intaba .

Waxaa kale oo xusid mudan in wax horay looga bartay aysan aheyn in marka madaxda maamullada ay imanayaan magaalada Muqdisho wadooyinka la xiri jirin, taas oo dadka reer Muqdisho ay Su’aalo badan iska weydiinayaan.

Qaar ka mida Shacabka Muqdisho oo KNN u waramay ayaa si cadho leh uga hadlay, arintaan iyaga oo madaxda dowlada ka dalbaday in aan wadooyinka maristooda aan lagu dhibin.



Post Views:
104



Radio Kulmiye

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .