Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

October 16, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo kulan la qaatay Safiirka UK – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia


Muqdisho-KNN-Madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ataa magaalada Muqdisho waxa uu kula kulmay, safiirk dalka Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender.

Madaxweyne ku xigeenka iyo Safiirka dalka Ingiriiska ee Soomaaliya, ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka dawlada UK iyo taageerada dawlad goboleedyada , gaar ahaan maamul goboleedka Galmudug.

Safiirka ayaa uga mahadceliyay madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid kulankan uu maanta la qaatay, waxa uuna u balan qaaday in taageero buuxda ay ka heli doonto dawladda UK maamulka Galmudug.

Sidoo kale waxa uu uga mahadceliyay hawlaha dardarta leh ee maamul Galmudug ay mudooyinka Galmudug ka qabteen dalka.

Madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, isagoo intii uu joogayna kulamo kala duwan la sameeyay musuuliyiin fara badan, kuwaas oo ay ka wada hadleen arrimo kala duwan.



Post Views:
106



Radio Kulmiye

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .