Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

October 16, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Deni iyo Axmed Madoobe dartood oo looxiray wadooyinka Muqdisho+SAWIRRO


Waxaa saaka si weyn loo adkeeyey ammaanka magaalada caasimada ah ee Muqdisho oo maanta ay ku soo wajahan yihiin labada Madaxweyne ee maamullada Jubbaland iyo Puntland, Axmed Madoobe iyo Siciid Deni.

Ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa Booliiska Soomaaliyeed ayaa la dhigay isgoysyada muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale ciidamada ayaa celinaya gaadiidka isaga kala gooshaya jidadkaasi, iyaga oo ku amraya inay kala wareegaan, waxaana taasi ay keentay inay shacabku lugeeyaan.

Waddooyinka ku dhow Garoonka Aadan Cadde ayaa gabi ahaan la xiray, halkaas oo ay saacadaha soo socda ay ka soo dagi doonaan Axmed Madoobe iyo Deni.

Waxaa sidoo kale la xiray qeybo badan oo ka mid ah waddada Makka Al-Mukarrama iyo dhammaan jidadka dhinac mara xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa wada-hadallo la leh Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana kulankooda uu ka dhici doono xarunta Xalane.

Intiisa waxaa badan waxaa shirkan diirada lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo doorashooyinka oo tabasho ay ka muujinayaan labada hoggaamiye.

Shirkan ayaa daba-scoda kii Dhuusamareeb, kaas oo lagu go’aamiyey nooca doorasho ee dalka ka dhaceyso, balse waxaa ka maqnaa madaxda Jubbaland iyo Puntland.



Wardoon news

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .