Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

October 16, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Boqor Salmaan oo xilal sarsare ka qaaday 2 Amiir oo ka tirsan Qoyska Boqortooyada


Writen by Qaran News |

Boqor Salmaan oo xilalkii ka qaaday Iana & Aaabihii ka wada tirsan Qoyska Boqortooyada

Saraakiil ka tirsan dowladda Sucuudiga ayaa xilka laga qaaday, waxaana ka mid ah labo xubnood oo ka tirsan qoyska boqortooyada.

Wareegto kasoo baxday boqor Salmaan ayaa lagu sheegay in xilka laga qaaday Amiir Fahad Bin Turki oo ahaa taliyihii ciidammada isbaheysiga ee Sucuudiga hogaaminayo ee howlgallada ka wado Yemen.

Waxaa sidoo kale shaqada laga eryay wiilka Amiir Fahad, Cabdulcaziiz oo ahaa ku-xigeenka barasaabka gobolka waqooyiga dhaca ee Al Jowf.

Waxay saraakiishan wajahayaan baaritaan ku aadan eedeymo ku saabsan wax isdaba marin heshiis maaliyadeed ah, sida ku xusan wareegtada kasoo baxday wasaaradda gaashaandhigga.

Dhaxal sugaha Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan wuxuu garwadeen ka ahaa olole ka dhan ah musuq maasuqa ka dhaca dowladda.

Wuxuu hantay qalbiyada hogaamiyeyaasha reer galbeedka ka dib markii uu ku dhaqaaqay tallaabooyin uu isbaddallo uga sameeyay Sucuudiga, oo ah waddan sharci adag, waxaana isbadalladaas ka mid ahaa xayiraaddii uu ka qaaday gaari wadista dumarka iyo dadaalkii uu ku raadinayay sidii loo ballaarin lahaa dhinacyada kala duwan ee dhaqaalaha.

Si kastaba dadka dhaleeceeya siyaasaddiisa, waxay ku eedeynayaan in uu bartilmaameedsanayo dadka uu u arko inay caqabad ku yihiin awooddiisa.

Horraantii bishan ayay aheyd markii jornaalka Wall Street uu ku warramay in saddex sarkaal oo ka tirsan boqortooyada la xiray, waxaana kamid ahaa nin la dhashay boqor Salmaan oo la yiraahdo Amiir Axmed bin Cabdul Caziiz iyo dhaxal suge hore ,Maxamed Bin Nayef.



Qaran News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .