Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

October 16, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Al-Shabaab oo shaaciyay in gaadiid ay ka gubeen ciidanka DF ka dib dagaal culus oo…






Dagaal u dhexeeya Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay Gobolka shabeellaha Hoose, waxaana wararku ay sheegayaan in uu jiro khasaare soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalamayal ka tirsan Shabaab ay weerar dhabbagal ah ku qaadeen Gaawari ay wateen Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.

Dagaalka ayaa ka dhacay wadada xiriirisa degmada Awdheegle iyo deegaanka Lambar60, waxaana wararku ay sheegayaan in weerarkaas lagu gubay gaari Xammuul ah oo saad u siday Ciidamada dowladda.

Al-shabaab ayaa la sheegay in ay weerarkaas ka danbeeyeen, iyadoo Dadka deegaanka ay sheegeen in ay arkayeen gaariga oo ku gubanaya, mana jirto cid xaqiin karta khasaraha rasmiga ah ee k  dhashay dagaalkaasi.

Saraakiisha Ciidamada dowladda ee Gobolka Shabeelaha hoose kama hadlin dagaalkaas la sheegay in looga gubay gaari Xammuul ah, waxaana warbaahinta Al-shabaab lagu daabacay in weerarkaas ay Al-shabaab gaari ku gubeen, weerarkuna uu ka dhacay wadada xiriirisa degmada Awdheegle iyo deegaanka Lambar60.










Warqaad news

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .