Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

October 16, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Maayarka Lughaya Oo Dab Sudhay Seero Si Sharci Daro Ah Looga Ootay Deegaanka Gargaara.


Aug 31, 2020 Lughaya (Cadceed) – Mayarka degmada Lughaya mud.Cabdilaahi Cali Awnuur Dixood oo uu wehelinayo taliyaha guutada milatariga ee magalada Lughaya ayaa dab sudhay dhul seero ah oo si sharci daro ah looga ootay deegaanka beeralayda Gucundhaale ee degaanka Gargaara.

“Waxaan maanta deegaan beereedka Gucundhaale ee duleedka degaanka Gargaara ka baabiinay dhul seero ah oo si sharci daro ah loo ootay caqabadna ku noqday daaqsintii xoolaha, xiisada seerahan la ooday ayaana waxa ay ka curatay degaankaas dhawaan, waxana aan ka xunahay in heshiiyadii ay dhawaan degaankaas ka hirgaliyeen wasiiro xukuumada ka tirsan laga dhigo kuwo la dacal-faruuro” ayuu yidhi Maayar Cabdilaahi Cali Awnuur Dixood.

Sidoo kale Mayar dixood ayaa bulshada deegaanka uga baaqay inay ka fogaadaan wax kasta oo horseedi kara nabadgalyo daro, isagoo labada dhinac ku booriyay inay ka wada shaqeeyaan wada jirkooda balse aysan noqon kuwo laga hago magaalooyinka.

Dhinaca kale waxaa madashaasi isguna ka hadlay Taliyaha ciidamada milatariga ee guutada Lughaya mudane Baashe Maxame Guun waxa uuna sheegay inay soo afjareen xiisad lagu eedaynayay Wasiirka Gaashaandhiga oo isagu soo gaaray deegaankaasi, waxa uuna yidhi.

“Anagu ka xukuumad ahaan waan soo dhawaynaynaa beeralayda iyo cidii ku hamiyaysa inay dhulka wax kala soo baxaan balse waxaa idinkana la idiinka baahan yahay inaad u hogaansataan sharciga islamarkaana cidii rabta inay beer yeelato ay si sharci ah ay usoo marto wasaarada Beeraha oo iyadu ruqsada bixisa waxii markaasi ka denbeeya –na ay si sharci ah ay u oodato dhulka loo sharciyeeyay, balse waxa uu uga digay in dhul dhaaqsimeed si sharci daro ah la iskaga ooto”

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanka uga digay safarada xiisad abuurka ah ee ay degaanka ku imanayaan, marka ay dib u laabtaana ay natiijadoodu noqoto midiyo la iskugu dhiibay dadka degaananda degmada Lughaya.

Si kastaba ha ahaatee xiisadan ayaa dhawaan ka dhalatay markii Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye uu degmada Lughaya gaadhay, safarkiisuna uu ahaa mid iska horkeenay dadka reer Lughayaad ah, saamayna ku yeeshay nabada, markii ay beesha wasiirka ay bilowday inay oodato dhul-daaqsimeed halka ay beeshii kalena ay iyaduna ku dul oodatay, ilaa hadana xukuumada dhexe kama jawaabin baaqyo uga yimid dadka degaanka oo salka ku hayay in Hab-dhaqanka shaqsi ee guracan ee Wasiirka Gaashaandhiga ay wax ka qabato.



Cadceed News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .