Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

October 16, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Cumar Filish oo shaaciyey war wanaagsan oo la xiriira 13-ka kursi ee gobolka Banaadir


Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta shaaciyey in dhowaan Madaxweyne Farmaajo uu saxiixi doono metelaada Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa Caasimada Online u sheegay in guddoomiye Cumar Filish uu ka dhawaajiyey in madaxweynuhu uu dhawaan saxiixayo 13-ka kursi ee Aqalka Sare loogu darayo gobolka Banaadir.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa horay u meel mariyey 13-kan kursi ee golaha Aqalka Sare laga siinayo gobolka Banaadir.

Madaxweynaha ayaa horay u dalbaday in Muqdisho metelaad iyo maqaamba ay ka hesho hey’adaha dastuuriga ah ee dowladda, balse kuraastan ayaa ah metelaad, halka maqaamkiina aan weli meel la saarin.

Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa aad u soo dhaweeyey markii uu baarlamaanku meel mariyey kuraastan.





Caasimadda News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .