Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

October 16, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Aabihii wiilkiisa wabiga ku tuuray oo lawareestay+VIDEO


Aabe wiilkiisa ku dilay magaalada Jowhar ayaa sharraxay sababta ku kaliftay inuu geysto falkaan argagaxa leh xilli uu gacanta ugu jiro ciidanka Booliska magaalada Jowhar.

Muxumed Dhaayow Aadan oo ay gacanta ku hayaan ciidanka booliska ayaa sharraxay sababta ku kaliftay inuu wabiga ku tuuro wiilkiisa oo lugaha iyo gacmaha ka xiran.

Aabaha wuxuu sheegay in wiilkiisa uu bartay waxyaabaha maanka dooriya, sidoo kalana uu naftiisa kala cabsaday.

“Waan qabtay waan xir-xiray kadibna wabiga ayaan ku tuuray, waxa igu kalifay inaan dilo waxey tahay wuxuu noqday cabtooy, wuxuu halis galiyay nafteyda iyo maalkeyga, 9 sac oo mid irmaan ah ku jirto ayuu iga qashay, dariska wuu ka dhameeyay xoolahii, wax uu dhaafaayo maba jirin, waan daalay, sidii aan hanti uga gudaayay, markii dambe wuxuu bilaabay af xumo iyo waan ku tumaa, habeen hore ayaan qabtay, waan xir-xiray, wabiga ayaana ku tuuray” ayuu yiri Muxumed Dhaayow.

Waa markii labaad oo ay magaalada Jowhar marqaati u noqoto aabe dilay wiilkiisa, dhawaan ayey aheyd markii aabe uu wiilkiisa oo 14-jir ah gowracay.

Wiilka wabiga lagu riday waxaa da’diisa lagu sheegay 20-jir.



Wardoon news

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .