Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

October 15, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

XOG: Ciidamada ilaalada Madaxtooyada oo la wareegay Amniga R/wasaaraha cusub+(MAGACA & WAREEGTADA)


Ciidamo ka tirsan ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada Soomaaliya ee loo yaqaano (Koofiyo casta), ayaa la wareegay amniga guriga uu degan yahay Cali Maxamed Geedo oo loo wado sida saadaalinta u badan tahay xilka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Guriga Siyaasiga oo ku yaalo Xeydaabka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la geeyay tiro ciidamada Madaxtooyada ka tirsan,kuwaas oo la wareegay guud ahaan amniga Qoyska Cali Maxamed Geed, maadama wararka madaxtooyada laga helayo ay sheegayan in kaliya ay dhiman tahay in  shaaciyay wareegtada magacaabistiisa.

Sida wararka aanu ku heleyno, Cali Maxamed Geedi Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa diiday inuu ka soo guuro guriga hadda uu degan yahay, oo ka baxsan gudaha Madaxtooyada oo ay degan yihiin madaxda ugu sareysa dalka sida madaxweynaha,islamarkaana uu soo dego gurigii uu ka guuray Xasan Cali Kheyre oo kalsoonidii ay kala noqdaan xildhibaanada golaha shacabka Baarlamanaka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo ku jira saacadihii ugu dambeeyay oo uu ku soo magacaabi lahaa xilka Ra’iisal wasaaraha, ayaa waxaa si aad ah baraha Bulshada loogu hadal hayaa in xilkaas loo wado Cali Maxamed Geedi oo horay u soo noqday Ra’iisul Wasaare, lana aaminsan yahay inuu miisaan siyaasadeed ku leeyahay Banaadir iyo qaar ka mid ah Maamulada dalka.

Sidoo kale waxaa jira shaqsiyaad kale oo iyana la hadal haayo, oo dadka ay siyaabo kala duwan ugu soo qorayaan baraha bulshada.

Mudad madaxweyne loo qabto inuu Ra’iisal wasaare ku soo magacaabo aya ku eg maalinta berito ah oo taariikhdu ay ku beegan tahay 25-Agoosto oo ku beegan maalintii xilka laga tuuray Xasan Cali Kheyre, waxaana laga sugaa inuu Ra’iisal wasaaraha ku dhawaaqo ama uu Baarlamaanka hortago si uu u weydiisto in waqti loogu daro.



Warqaad news

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .