Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

October 15, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Ciidanka DANAB oo howlgal qorsheysan ugu daaday Al-Shabaab, “ka dib Maxaa dhacay?






Howlgalgalkan oo u jeedkiisu ahaa xaqiijinta dhinaca ammaanka ee wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar oo mararka qaar ay weeraro ka fuliyaan Ururka Al-Shabaab ayaa saraakiisha ciidamada waxaa ay sheegeen inay ku dileen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Taliyaha guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalik ayaa Idaacadda Ciidmadda Qalabka Sida u sheegay in halka looyaqaan Ceel-geeloow lagu toogtay Saddex Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo miino Aasayay.

G/le Ismaaciil ayaa tilmaamay inay howlgalka intii ay kuguda jireen kusoo saareen miinooyin Al-Shabaab ay galiyeen inta u dhexeeysa degmada balcad iyo magaalada jowhar ee xarunta gobolka shabeellaha dhexe.

Wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay weeraro ay fuliyeen Al-Shabaab, kuwaas oo lagu dilay Askar, Shacab iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle.










Warqaad news

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .