Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

October 15, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

“Mustaqbalka Luis Suarez wuxuu ku jiraa gacmaha Ronald Koeman” – Agaasimaha kooxda Barcelona – Gool FM




(Barcelona) 19 Agoosto 2020. Agaasimaha kooxda Barcelona ee Xavier Vilajoana ayaa sheegay in mashruucan cusub ee Blaugrana uu hogaamin doono Lionel Messi.

Dhinaca kale Agaasimaha kooxda Barcelona ee Xavier Vilajoana ayaa carabka ku adkeeyay in macalinka cusub ee Ronald Koeman uu go’aamin doono in Luis Suarez uu sii joogi doono iyo inkale.

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqday inay dhameystirtay heshiiska macalinka reer Holland ee Ronald Koeman, isagoo noqonaya badelka Quique Setien.

Wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Agaasimaha kooxda Barcelona ee Xavier Vilajoana, wuxuuna yiri:

Qué directivo del Barça se ha quedado fuera de juego?

“Mustaqbalka Luis Suarez waxaa go’aamin doona Ronald Koeman, Waxaan hadda qarka u saaran nahay inaan la saxiixano badelkiisa”.

Waa run in suuqa uu aad u adag yahay kaddib Caabuqa Korona, laakiin Barcelona ayaa isha ku heysa inay la saxiixato ciyaartoyda ugu fiican adduunka Lautaro Martínez waa mid ka mid ah”.

Gool FM.






Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .