Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

October 15, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Barcelona oo ku dhawaaqday inay dhameystirtay heshiiska Ronald Koeman – Gool FM




(Barcelona) 19 Agoosto 2020. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ku dhawaaqday inay dhameystirtay heshiiska macalinka reer Holland ee Ronald Koeman, isagoo noqonaya badelka Quique Setien.

War qoraal ah oo ay soo saartay kooxda Barcelona ayaa lagu sheegay inay ka saxiixatay Ronald Koeman heshiis gaaraya ilaa iyo 30-ka bisha June 2022.

Kooxda kubadda cagta ee Barcelona ayaa saxaafada u soo bandhigi doonta Ronald Koeman goor dambe ee maanta ah.

Madaxweynaha kooxda Barcelona ee Josep Maria Bartomeu ayaa xalay xaqiijiyay in Ronald Koeman uu noqon doono macalinka xiga ee naadiga Blaugrana, isagoo badelaya Quique Setien oo shaqada laga ceyriyay.

Josep Maria Bartomeu ayaa shir jaraa’id uu ka soo muuqday wuxuu ku sheegay:

“Haddii aan wax qalad ah dhicin, Koeman wuxuu noqon doonaa Macallinka kooxda Barça ee xilli ciyaareedka soo socda, waxaan durba ognahay sida uu u fikiro iyo falsafaddiisa.”

Gool FM.






Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .