Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

January 23, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Wufuud ka qayb galaysa Shirka Dhuusamareeb oo ku sii qul qulaysa magaalada Dhuusamareeb – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia


Muqdisho-KNN-Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa ay sheegayaan in shalay ilaa iyo maanta ay halkaasi ku sii qul qulayaan wufuud kala duwan.

Ilaa iyo hadda waxaan tegin madaxda maamul goboleedyada qaar sida Puntland iyo Jubbaland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa isagu ku maqan mgaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti, halka Axmed Madoobe madaxweynaha Jubbaland uu joogo magaalada Kismaayo.

Shalay waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo, wufuud kale ayaana la filayaa in ay isla maanta gaaraan magaalada Dhuusamareeb, si ay qayb uga noqdaan shirka Dhuusamareeb Saddex, ee u dhaxeeya madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa dawlada Soomaaliya.



Post Views:
88



Radio Kulmiye

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .