

Shaqaaqo u dhaxeysa koox islaamka neceb iyo kuwo kasoo horjeeda ayaa waxaa ay maanta ka dhacday senterka xaafadda Furuset ee magaalada Oslo.
Ururka islaamka neceb ee loo soo gaabiyay SIAN (Stopp islamiseringen av Norge) oo micneheedu yahay “jooji islaameynta Norway” ayaa waxaa uu maanta duhurkii ku lahaa bannaanka hore ee suuqa Fururset Senter kulan kaas oo uu taageerayaashiisa ugu soo bandhigayay fikirradohooda.
Waxyar kadib markii uu kulankaasi bilowday ayaa waxaa dhacay iska-hor-imaad u dhexeeya taageerayaasha ururkaasi iyo booliska oo isku dhinac ah iyo kuwii kasoo horjeeday.
Booliska ayaa u adeegsaday kooxihii diidanaa ururkan sunta dadka ka ilmeysiisa, waxaana ay soo qab-qabteen qaar iyaga ka mid ah.
Sarkaal u hadlay booliska oo lagu magacaabo Tor Gulbrandsen ayaa warbaahinta u sheegay in askari iyaga ka mid ah lagu dhaawacay shaqaaqadaasi kadib markii bir lagu dhuftay.
Booliska ayaa horay usii sheegay in ay soo buux-dhaafin donaan goobta si ay ula tacaalaan shaqaaqadan la filayay in ay dhaceyso.
Tuuryo nooc walba leh ayaa goobta ka dhacday kuwaas oo lagu beegsanayay xubnaha ururka SIAN iyo qaar ka mid booliska.
Dhawaan ayay aheyd markii isla ururkan oo had iyo goor soo wata booliska isu-soobax ku qabsaday xaafadda Mortensrud ee degmada Søndre Nordstrand kaas oo sidoo kale laga carqaladeeyay.



More Stories
Ninkii caruurta laayay oo Xog cusub laga helay
Maxkamad ridday go’aan xasaasi ah oo ka dhan ah Trump iyo caruurtiisa
Shir u furmay Madaxda Afrika oo looga hadlayo Xaaladda dalal ay ka mid tahay Soomaaliya – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia