Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

August 19, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Furitaanka Shirka Dhuusamareeb oo u xayiran Axmed Madoobe iyo Siciid Deni


Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helayo deegaanada Galmudug ayaa sheegaya in furitaanka wejiga 3-aad ee shirka Dhuusamareeb uu u xayiran yahay kaliya Madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland oo aan weli gaarin magaaladaasi.

Axmed Madoobe iyo Siciid Deni ayaa ku maqan safaro dalka dibaddaasi, waxaana ay arrimo gaar ah u kala joogaan dalalka Kenya iyo Jabuuti.

Sidoo kale waxaa la filayaa inay soo gaba-gabeeyaan socdaalladooda, si ay ay saacadaha soo socda u gaaraan Dhuusamareeb, una furmo shirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoona ciidamo badan lagu arkayo jidadka muhiimka ah ee magaaladaasi.

Dhinaca kale waxaa Dhuusamareeb haatan xaadir ku ah Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha maamullada HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo marti loo yahay, kuwaas oo xalay kulan hordhac ah ku yeeshay gudaha magaaladaasi.

Shirka Dhuusamareeb 3 oo ah mid aad isha loogu hayo ayaa ka duwan shirarkii hore, wuxuuna ku soo aadayaa, xilli la riday xukuumaddii ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.





Caasimadda News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .