Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

January 23, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Ciidamada Jubbaland iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay Jubbada Hoose. – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia


Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo ee gobolkaasi.

Dagaalka ayaa waxaa uu u dhexeeyay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, iyo ciidamo ka tirsan Maamulka Jubbaland.

Hub culus ayaa la sheegay in dhinacyada dagaalamay ay isku adeegsadeen, inkastoo ilaa iyo hada aan la soo warinayay khasaaraha rasmiga ah ee soo kala gaaray dhinacyada ku dagaalka ku dhexmaray duleedka magaalada Kismaayo.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in dagaalka uu ka dhacay  Aaga degaannada Buulo-Gaduud iyo Janaay Cabdalla ee duleedka Kismaayo ee Gobalka Jubbada Hoose.

Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ee Aaga degaannada Buulo-Gaduud iyo Janaay Cabdalla ayaa sheegay in Al-Shabaab ay weeraradaas uga dileen laba ka tirsan Al-Shabaab,sidoo kalena ay kusoo furteen laba qoray oo AK47 ah.



Post Views:
19



Radio Kulmiye

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .