Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

October 1, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Mareykanka Oo Saldhig weyn ka dhisanaya Duleedka Muqdisho






Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya ayaa lagu tababaraa Xerada Belidoogle Ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Waa buqcada ugu weyn ee lagu tababaro Ciidanka Soomaaliyeed oo saraakiisha mareykanka casharada bixiyaan.

Waa xero aad loo ilaaliyo iyadoo dhowr mar al shabaab ay beegsadeen hujuumkii udambeeyeyna ay gaadiid ismiidaamin ah ku qaadeen 30 November 2019.

Ciidanka xeradaas kusugan waa kuwo aad loo tababaray waxay ka qeyb qaataan weerarada gaarka ah ee lagu qaado Deegaanada ay maamulaan Al Shabaab.

Taliska Mareykanka Qaarada AFRICOM waxay ka baaraan degayaan sidii saldhig uga sameysan lahaayeen meel.ku dhaw Muqdisho.

Si loo kordhiyo taageerada Ciidanka Ee Dawlada Soomaaliya ayaa waxa USA raadineysaa in xero la mid ah tan Turkida Ka furtaan Duleedka Muqdisho.

Deegaanka gal galato ilaa aagga Cisaleey ayaa sahmin laga soo sameeyey dhawaan oo khubaro ameerikaan ku tageen.

Ma aysan sheegin inay ku qanceen meelihii ay soo sahmiyeen iyo in kale hase ahaatee Warqaad ayaa ogaaday in Xero ciidan badan lagu tababari Karo laga furo meel wax yar ujirta Caasimada Muqdisho.










Warqaad news

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .