
Dhuusamareeb-KNN-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid, Madaxweyneynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal iyo ku xigeennadiisa, xubno ka tirsan goleyaasha heer federaal iyo heer dowlad goboleed.
Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu Dhuusamareeb uga furmo shirka wadatashiga wajigiisa seddaxaad.
Hase yeeshee Dhuusamareeb waxaan weli gaarin madaxda dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo safar dibada ah uga maqan dalalka Jabuuti iyo Kenya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb waxa uu kulamo gaargaar ah la qaadan doonaa madaxda heer dowlad goboleed iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.




Post Views:
93
More Stories
Xog: Madaxweyne XASAN SHEEKH oo arrimo xasaasi ah kala hadlay FARMAAJO
Dhageyso: Taageerayaasha Farmaajo ee baraha balshada oo billaabay arrimo naxdin leh
Wariye Ruug cadaaya oo BBC-da ka tirsan oo diyaarad lagaga dhex tagay