Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

January 23, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Farmaajo oo dhameystiray burburintii uu kuwaday Shirka Dhuusamareeb-3 !


Madaxweynaha Dowlada Federaalka ee xilkiisa sii dhamaanayo Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta oo ah 15ka Agoosto 2020, khudbad aan horey loo qorsheyn kasoo jeediyey Golaha Shacabka ee Federaalka oo iyaguna wakhtigooda siidhamaanayo, xili lagu balansanaa maanta inuu furmo shirkii Dhuusamareeb 3 oo ay ku balansanaayeen Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka iyo Hogaanka Dowlada Federaalka.

Khudbadan ayuu kusoo beegay Madaxweyne Farmaajo xili dhegta loo taagayey inuu magacaabo Raysalwasaare cusub oo soo dhisa Xukuumad inta ka hartay wakhtigooda, kadib markii uu wax ka riday Raysalwasaarihiisii hore Xasan Cali Khayre saacado kadib markii uu kasoo noqday Shirkii Dhuusamareeb-2.

Hadaba nuxurka khudbada Madaxweynaha Federaalka maahayn wax cusub oo uu sheegay, balse waxay khudbadan meelo badan uga ekayd khudbadii uu bishii Luulyo soo jeediyey Raysalwasaare Kuxigeenka ahna hada kusimaha aan sharciga ahayn ee xilka Raysalwasaaraha Mahdi Guuleed oo ku booriyey Golaha Shacabka inay xilka siihayaan inta dalka ay ka dhaceyso Doorasho Qof iyo Cod ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbadiisa ku bilaabay guulihii uu sheegay in laga gaaray dhinaca sharuucdii badneyd oo ay Xukuumada iyo Baarlamaanka ansixiyeen, walow uusan ka hadal sababta keentay in sharuucdii Doorashada dib loogu dhigay illaa xiliga kala guurka si halhaleel ah lagu ansixiyey, iyadoo wakhtiga Madaxweynaha iyo Baarlamaanka uu dhamaad yahay.

Muhiimada ugu weyn ee khudbada ayaa ahayd in uu weli ku taagan yahay Madaxweynaha in dalka laga qabto Doorasho qof iyo Cod ah, taasi oo micnaheedu yahay in wakhtiga loo kordhiyo Baarlamaanka iyo Madaxweynaha oo mudda xileedkooda ku egyahay Diseember 2020 iyo Febraayo 2021.

Farmaajo ayaa ku cel celiyey in Golaha Shacabka uu  metalo Shacabka, balse golaha shacab masoo dooran ee Beelo ayaa soo doortay wakhtigoodana waa xadidan yahay ama waa dhamaad, masiirka dalkan kasoo kabanaya dagaalada sokeeye kama go’o xildhibaan wakhtigiisa dhamaaday oo aan kalsooni ka heysan Beeshii isaga ama iyada soo dooratay.

Khudbada Madaxweynaha ayaan marnaba lagu soo qaadin Arrinta ugu weyn ee xiisada Dastuuriga ah keenaysa oo ah in isaga iyo Golaha uu u khudbeenayo wakhtigoodii dhamaaday, muddo kororsina horey loo diiday.

Talooyin Hore!

Sidaan horey ugu sheegnay maqaalkii aan daabacnay 22kii Luulyo Madaxweynaha Farmaajo ayaa magaalada Dhuusamareeb horey ulla tegey isaga oo uu garabka u saaran yahay Burris (Hammer), waxaana ugu weyneyd Istaraatiijiyaddiisa in aan shirka Dhuusamareeb-2 aysan ka soo bixin natiijo la taaban karo, shirku uu noqdo mid wakhtiga lagu dilo, ugu danbeyna loo ballamo shir kale (Dhuusamareeb 3).

Waxaa sidoo kale Maqaalkaasi ku sheegnay in Raysalwasaare Khayre uu noqon doono (Next Scapegoat) ama marmarsiinayaha loo maro xil kororsiga, haduusan qaadan go’aan deg deg ah, nasiib xumo Khayre kuma baraarugin waxaana xilka si fool xun looga xayuubiyey isagoo weli ku sugan Madashii shirka Dhuusamareeb, 25kii Luulyo.

Hadda waxaa lasoo gaaray xiligii go’aan qaadashada Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka iyo Saamileyda kale ee siyaasada dalka, waxaana maanta u furan hal wado oo kaliya oo ah inay Qabsadaan Shir BADBAADO QARAN oo ay uga heshiiyaan sidii loo dhisi lahaa DOWLAD KUMEEL GAAR AH marka wakhtiga ka dhamaado Golayaasha hada jira, dowladaasi oo kaliya loo xil saaro inay qabto Doorasho la isku waafaqo.

Waxaa hubaal ah in Golayaasha hada jira ay dhumiyeen kalsoonida shacabka maadaama aysan ku guuleysan wixii loo igmaday 4tii sano ee lasoo dhaafay, waxaana usii dheer damaca ay muujinayaan oo ah inay xilka kororsadaan;

-Sida Kuraas la xawisho oo lagala cararo deegaanadii laga soo doortay.

– Raysalwasaare iyo xukuumadiisa lagu rido 7 daqiiqo iyadoo aan ajenadahaba ku jirin.

– iyo in Miciyaha loo listo in kuraasta ay ku fadhiyaan oo loo asteeyey beelaha soo doortay ay xoog ku heystaan illaa inta dalka ka dhaceyso (Doorasho Qof iyo Cod ah) waa nidaamka laga soo guuriyey Xildhibaanada Soomaaliland ee in ka badan 14 sano kuraasta laga fujin la’a yahay.   

Nidaamka Federaalka

Nidaamka federaalka ah ayaa loo sameeyey waxa maanta socdo oo kale in aysan dhicin, waxa loo sameeyey in lagu ilaaliyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi oo kale, in aan hal shakhsi ku tagrifalin awoodda dalka, dastuurkana ku xadgudbin, si looga hortago damac kasta oo keli-talisnimo ku dhisan kana baxsan sharciga.

Waxaa la is weydiinayaa Madaxda Dowlad goboleedyada inay qaadan doonaan go’aanka masiiriga ah ee horyaal oo ay shacabka ay metalaan uga fadhiyaan oo ah in dalka ay Doorasho ka dhacdo wakhtigii loogu talo-galay.

AMA

In ay maraan wadadii lagu diray Raysalwasaare Khayre oo ay oggolaadaan damaca waalan ee muddo korosiga, labada sanno ah, kana tanaasulaan nidaanka federaalka ah dalkuna noqdo mid dalka Villa Soomaliya oo keliya looga taliyo!

Maxamed Cismaan
Horseed Media



Horseed News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .