

Subaxnimadii hore ee maanta ayaa dagaal aad u culus ka dhacay deegaanka Bacaadweyne ee Koonfurta Gobolka Mudug.
Dagaalka ayaa ka bilowdey degmada Shabellow oo ku dhaw Bacaadweyne ee Koonfurta Mudug, waxaana wararku sheegayaan in al-Shabaab weerarka soo qaadeen, lana beegsadeen ciidamo halkaas ku sugnaa oo ka tirsanaa qaybta 21aad, laakiin waxaa mar danbe u soo gurmadey ciidamo kale.
Qaar kamid ah dadku ku dhaw halka diriirtu ka dhacayso ayaa sheegay in ay weli maqlayaan daryanka hubka culus.
Al-Shabaab ayaa Gobolada Galguduud iyo Koonfurta Mudug waxay kaga sugan yihiin oo ka taliyaan degmooyin dhawr ah sida Xarardheere, Ceelbuur, Ceeldheer iyo qaar kale.
Horseed Media
More Stories
Mukhtaar Roobow oo Xabsiga laga soo deynayo
Nin dhaliili jiray Madaxweynaha Jabuuti oo lagu xiray Somaliland
Wasiir Beyle” Kabka miisaaniyadda waa furmayaa, wax dhibaato ah kama taagna,” – Radio Muqdisho