Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

January 26, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Qoor Qoor oo soo saaray digniin la xariirta shirka Dhuusamareeb-3, Daawo – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia


Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo galabta u ambabaxay dalka Turkiga ayaa garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho warbaahinta kula hadalay, waxuuna faahfaahin ka bixiyey shirka 15-ka bishan ka furmaya Dhuusamareeb iyo arrimo kale.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sheegay in shirku uu ku qabsoomi doono waqtigiisa, isagoo dhinacyada shirkaas uu khuseeyo iyo Soomaalida oo dhan ugu baaqay inay waqtigaan adag tixgeliyaan, isla markaana ka fogaadaan wax kasta oo shirkaas dib u dhac ku keeni karana.

Qoor Qoor ayaa warbaahinta u sheegay in safar shaqo uu ugu amba-baxayo dalka Turkiga oo maalmo kooban uu ku maqnaan doono, isla markaana mudada shirka ka hor uu tegayo Dhuusamareeb, sidoo kale guddi farsamo ayuu sheegay in uu u xilsaaray qabsoomidda shirkaas oo 15-ka bishan la isugu tegi doono Dhuusamareeb.

Madaxweynaha ayaa maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho, waxuuna sheegay in safarka uu ku joogay Muqdisho uu ku saabsanaa sidii uu madaxda ugala hadli lahaa ka qeyb galka shirka Dhuusamareeb-3, isla markaana ay haatan wax kasta ku socdaan si caadi ah.

Sidoo kale intii uu joogay Muqdisho waxa uu sheegay in uu kula kulamay qeybaha kala duwan ee bulshada reer Galmudug oo uu kala hadlay dhaqan gelinta heshiisyadii shirkii Hobyo oo ay ugu horeyso dar-dar gelinta dhismaha dekedda Hobyo, waxuuna sheegay in haatan meel fiican ay wax u marayaan.

Madaxweynha Galmudug oo ka hadlay shitrka dhuusamrreb 3

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi kaariye ayaa safar shaqo ugu amba baxay maanta Dalka Turkiga.Inta uusan dhoofin garoonka diyaaraddaha Aadan Cade, ayuu shir jaraa’id ku qabtay, kuna faaf-faahiyey arrimo badan;waxa uuna carabka ku adkeeyay in shirka Dhuusamareeb ku qabsoomi doonno waqtigii lagu ballamay.Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Madaxda Dowladda Fadaraalka, iyo Dowladaha xubnaha ka ah, doorkii wacnaa oo ay ka qaateen qabsoomida shirarkii hore isagoona ku baaqay in shirka 15 Agoostana si mugleh looga soo qeyb-galo una rejeeyey inuu ku dhammaado guul iyo is afgarad.

Posted by Galmudug State House on Wednesday, August 5, 2020



Post Views:
102





Radio Kulmiye

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .