August 3, 2020

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Qalinka iyo Quwada Erayga – Hornpost


Afku wuxuu la xoog yahay,  Magliga xawda kaa jara e…. ( Salaam Carrabey)                                                                                      

 Kaftan laysku daadsaday iyo dood wax garad ayaa looga faalooday qoraalka iyo dhex- dhexaad-nimaad qalinleyda wax qorta, iyo weliba saamaynta ay bulshada ku leeyihiin.

Qoraalada rasmiga waxaa lagu baahin jiray warbaahin la yaqaan oo tira yar, loona tiiriyo mabaadi’gaara. Inta badana waxaa si gaara u lahaa dawladd.

Jariidad la yaqaan, radio iyo TV oo intaba la garanayo ayaa tebin wareed ka iman jiray. Kuwaas oo leh tix-raac iyo tayo wareed, mas’uuliyad suxufina la socoto, oo haddii khalad mihnadeed la galo ugu yaraan raali gelin laga bixin jiray, hadday ula kac tahayna mutaysan jirtay xeer ciqaabeedka u deggen saxaafadda dalkaa.

Taa macnaheedu maaha in waxa kasta oo ay dawladduhu dadka u sheegaan ama soo gudbiyaan uu yahay run laysku hallayn karo, dhex dhexaadna ah. Sida dhabta ah intaba ka fog. Oo waxaa loo qaabeeya warbaahinta dal, si waafaqsan siyaasadda dalka.

Laakiin, waxaa jira qawaacid mihnadeed aas aasi ah oo la ixtiraamo oo aan laga boodin..

Hase yeeshee, imaatinkii internetka iyo saamaynta baraha bulshadu waxay sahleen in qof walba qalinka siduu doono u isticmaalo isagoon ka fikirin ama ka fiirsan waxa ka imaan kara iyo dhibka uu geysan karo qoraal, maqal ama arag-wareed uu soo gudbiyay.

Waa nasiib darree, dalkana kama hirgelin, qaynuun lagu xakameeyo inta baraha bulshada wax ku qorta.

Taasi waxay sahashay durqubaan hadal oo meel walba lagu soo daabaco iyo  sheegashada martabad aan daliil sharci ah loo haysan sida ;  “Wariye”, “Suxufi”, “Influencer “ IWM.

Mihnadda saxaafadda waa aqoon leh barnaamij wax barasho oo laga dhigo macaahid iyo Jaamacado. Waa mihnad la mid ah mihnadaha shaqo ee bulsho loo qabto sida ; dhakhtarnimada, macalinimada, IWM.  Maaha wax la bowsado, sida maanta jirta.

Anigoon intaa aan moogayn, ayaa la i weydiiyay in aan wax ka qoro dawlad goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

Waxaa ila wanaagsanaatay inaa jawaabta soo qoro oo aan dad, ka badan intii ila fadhiday goobta shaaha la qaybsado.

Mowduucu waa mid xiiso badan , anigana macna gaar ah ii leh. Waa mawduuc-yada aan jeclahay in aan wax ka qoro. Waayo waa wax taabanaya nolol maalmeedka qof kasta oo innaga mid ah.

Laakiin, markaan arinta si fiican keliday ka sheekaystay ayaa waxaan is weydiiyay in aan buuxiyay shuruudihii mihnada iyo xeerarkeedii iyo in kale.

Waxaan is weydiiayay :  Mawduucu ma noqon karaa mid dhex dhexaadnimadiisa aan shaki ku jirin xilligan maanta? Mase la kala saari karaa dareenka shakhsiga iyo tebinta maqaal ka waramaya xaaladda dalku maanta ku suganyahay?

Shuruudaha qoraalka

Marka aad qorayso maqaal, aan ahyn fikrad iyo dood aragtidaada shakhsiga ah cabbiraysa, waxaa shuruudaha ka mid ah :

In warka aad qoraysaa uu run yahay, meeshaad ka keentayna aad hayso.

Waa in aadan nacayb iyo jacayl midna u qorin ee aad u qorto in aad gudbiso arin muhiim ay tahay in bulshada loo soo tebiyo oo beenta ka fog.

Ammaan iyo dhaliil intuba waa in aan lagu salayn danta qoraha. Waa in aan been abuur lagu dhisin, nin jeclaysi ama ku jiq-siina aysan ahayn,  ee ay tahay, runta oo keliya.

Waxaa kaloo shuruudaha ka mid ah; dhex dhexaadnimada qofka warka soo tebinaya ama qoraya.

Dhex dhexaad ma ahay?

Qirasho : Ma ihi dhex dhexaad si aan u soo gudbiyo qoraal buuxiya shuruudaha aan kor ku soo xusay si aan maqaal dhamaystiran oo ka hadlaya Maamulka maanta Puntland ka jira aan bulshada ula qaybsado.

Sababta aanan u ahayn  dhex dhexaad waxaan u dayn mawduuc kale marka waqtigiisa la gaaro, haddii Eebe idmo.

Sidaa darteed,  waxaan ka cudurdaaranayaa in aan maqaal ka soo qoro dawlad goboleedka Puntland ee Soomaaliya ee maanta xilligan hadda la joogo

Hadday noqotese in aan wax ka qoro,  aan markaa afeef dhigto oo aan qirto dhinaca aan is le’egta ka taaganahay.

 Waayo ”Qalinku wuxuu la xoog yahay,  magaliga Xawda kaa jara”

Hussein Salad                                          

Nairobi , Kenya



Horn Post News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .
Open chat
Mau baahantahay caawimo?