August 2, 2020

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

XOG: Awooddii Xoogganeyd ee Saadaq Joon oo hoose loo dhigay ka dib xil ka qaadistii Kheyre


Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Generaal Cabdi Xasan Xijaar ayaa hoos u dhigay awoodii maamul ee taliyaha ciidanka Booliska qeybta gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon).

Sida aan xogta ku helnay, tallaabadan uu qaaday Taliye Xijaar ayaa sabab u ah ka dib markii ka soo baxay Madaxtooyada Farmaajo lagu faray in dhammaan talisyada ciidan la socdaan shaqsiyaadka sida aadka ah ugu dhowaa R/wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre, kuwaas oo wali xilal muhiim ah ka haya Xafiisyada Dowladda.

Saadaq Joon ayaa la aamisan yahay inuu ahaa gacanta midig ee RW Kheyre,waxaana kaliya kaa daadegayay amarka uu bixiyo Kheyre,wuxuuna dhowr ah oo howlgal oo laga qorsheeyay Xafiiska RW Kheyre uu ka fuliyo dalka, taas oo lagu sumcad dilayay madaxweyne Farmaajo.

Wararka ayaa intaas ku daraya, in Saadaq Joon lagu amray inuu ilaa iyo amar dambe joojiyo wareegtooyinka ka soo baxaya xafiiskiisa ee la xiriira arrimaha shaqada,islamarkaana uu uga amar dambeeyo wax kasta taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed, maadaama markii hore uu si toos ah uga amar qaadanayay R/wasaarihii xilka laga eryay ee Xasan Cali Kheyre.

Madaxweyne ayaa shir deg deg ah isugu yeeray talisyada ciidanka wax yar uun ka dib markii Xildhibaanada golaha shacabka kalsoonida kala noqdeen xukuumadda Kheyre,isagoona ku amray ineysan wax amar ah ka qaadan karin Xasan Cali Kheyre wixii ka dambeeyay markii xilka laga qaaday,islamarkaana wixii amar uga daba feelaan Madaxtooyada iyo cidii kale ay wadato.

Shaqsiyaad markii uu xilka hayay Xasan Cali Kheyre amarkooda uu shaqeynayay ayaa hadda gacan ku gambad ah,waxaana ku socdo beegsi ay ku heyso madaxtooyada.



Warqaad news

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .
Open chat
Mau baahantahay caawimo?
Powered by