August 1, 2020

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

DAAWO:- Trump Oo Ku Hanjabay Inuu Maraykanka Ka Mabnuucayo Shirkadda TIK TOK


CaptureAug 1, 2020 Hargeysa (Cadceed) – Dowlada Mareykanka ayaa qorsheeneysa in dalkeeda gabi ahaanba ka mamnuucdo isticmaalka App-ka shabakada Muuqaalada gaagaaban lagu baahiyo TikTok ee laga leeyahay dalka Shiinaha .

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa shaaciyay in dalkiisa ka mamnuucayo shabakada TikTok, waxa uuna Warbaahinta u sheegay dhawaana saxiixayo amar hawada looga saarayo Shabakada TikTok gudaha Mareykanka.

Dowlada Mareykanka ayaa la sheegay in ay ka cabsi qabto in shabakada TikTok oo leedahay shirkadda Shiinaha ee ByteDance, loo isticmmaali karo in lagu uruuriyo macluumaadka iyo xogaha gaarka ah ee dadka kunool Mareykanka.

Afhayeen u hadlay TikTok ayaan waxbo kasoo qaadin amarka Trump ku mamnuucayo TikTok, waxa uuna sheegay in shirkadda ay ku kalsoontahay horayna ugu kalsoonayd iney ka gun gaari doonaan hadafkoodii ahaa iney Mareykanka ka helaan macaamiil badan.

Shabakada TikTok ayaa dadka isticmaala gudaha Mareykanka lagu sheegay in ay gaarayaan 80-Milyan oo qof, waxaana mamnuucida Mareykanka Tiktok ku yeelan doontaa saameyn xoogan.

Mamnuucida TikTok ee dowlada Mareykanka ayaa kusoo aadeysa xili uu sii kordhayo khilaafka u dhaxeeya dowladaha Mareykanka iyo Shiinaha, waxaana la sheegay in khilaafka labada dal sabab u noqonayo in Mareykanka dalkiisa ka manuuco shabakadan.

Cadceednews Hargeysa



Cadceed News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .
Open chat
Mau baahantahay caawimo?
Powered by