
(England) 29 Luulyo 2020. Labada tababare ee Guardiola iyo Mourinho ayaa hoggaaminaya liiska macallimiinta u sharraxan abaal-marinta tababaraha bisha July ugu fiicnaa horyaalka Premier League.
Guardiola, Hasenhuttl, Mourinho, Moyes iyo Solskjaer ayaa u sharraxan oo ku tartami doona abaal-marinta Tababarihii ugu fiicnaa horyaalka Premier League bishii ugu dambeysay ee xilli ciyaareedka 2019/20.
Pep Guardiola, Ralph Hasenhuttl, Jose Mourinho, David Moyes iyo Ole Gunnar Solskjaer ayaa ah dhammaan shanta tababare ee ku tartami doonta abaal-marintan hal macallin kaliya ayaana ku guuleysan doona.
Pep Guardiola (MCI)
7 kulan, 6 guul, 1 guuldarro wax barbaro ahna ma galin bishaas kulammadii uu hoggaamiyey kooxda Manchester City.
Ralph Hasenhuttl (SOU)
6 kulan, 3 guul, 3 barbaro, wax guuldarro ahna ma soo gaarin bishaas kulammadii uu hoggaamiyey kooxda Southampton.
Jose Mourinho (TOT)
7 kulan, 4 guul, 2 barbaro, 1 guuldarro ayuu ku hoggaamiyey kooxdiisa Tottenham kulammada uu horkacay bishan gabagabada ah ee July.
David Moyes (WHU)
7 kulan, 3 guul, 3 barbaro, 1 guuldarro ayuu ku hoggaamiyey kooxdiisa West Ham United kulammada uu horkacay bishan gabagabada ah ee July.
Ole Gunnar Solskjaer (MUN)
6 kulan, 4 guul, 2 barbaro, wax guuldarro ahna ma soo gaarin bishaas kulammadii uu hoggaamiyey kooxda Manchester United.
Gool FM.
More Stories
Manchester City oo heshiis kala gaartay Leeds United saxiixa Kalvin Phillips – Gool FM
Cristiano Ronaldo oo digniin culus u diray maamulka Manchester United – Gool FM
Raphinha oo doortay kooxdiisa cusub… (Ma Arsenal, Tottenham, Mise Barcelona?) – Gool FM