

(Turin) 28 Luulyo 2020. Tababarihii hore kooxda Juventus ee Carlo Ancelotti ayaa ammaanay waxqabadka Cristiano Ronaldo ee xilli ciyaareedkan, taasoo ka caawisay Bianconeri inay ku guuleysato horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga markii 9-aad oo xiriir ah.
Wargeyska “La Gazzetta dello Sport” ee dalka Talyaaniga ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay macalinka haatan leyliya kooxda Everton ee Carlo Ancelotti, wuxuuna yiri:
“Kani wuxuu ahaa xilli ciyaareedkii caadiga ahaa ee looga bartay Cristiano Ronaldo, wuxuuna sidaan oo kale noqon doonaa xilli ciyaareedka soo socda”.
“Waa ciyaaryahan ay cajiib tahay xirfadiisa, taasoo u ogolaaneysa inuu ku sii jiro heerkiisa ugu sarreeya”.
Si kastaba ha noqotee, Juventus ayaa ku guuleysatay horyaalka Talyaaniga xilli ciyaareedkan, kaddib markii ay kooxda Sampdoria kaga adkaatay 2-0 kulankoodii la soo dhaafay, iyadoo goolasha Juve ay u kala dhaliyeen Ronaldo iyo Bernardeschi.
Gool FM.
More Stories
Manchester City oo heshiis kala gaartay Leeds United saxiixa Kalvin Phillips – Gool FM
Cristiano Ronaldo oo digniin culus u diray maamulka Manchester United – Gool FM
Raphinha oo doortay kooxdiisa cusub… (Ma Arsenal, Tottenham, Mise Barcelona?) – Gool FM