Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

June 25, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Madaxweyne Farmaajo iyo ururada bulshada oo ka wadahadlay arimaha doorashooyinka – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia


Magaalada Dhuusamareeb ayaa xalay waxaa ku kulmay madaxweynaha dowladda soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ururada bulshada rayidka, kuwaasi oo Dhuusamareeb u jooga shirka dowladda federaalka iyo madaxda maamul gobaleedyada ku yeeelanayaan magaaladaasi.

Madaxweyne Farmaajo iyo ururada bulshada rayidka ayaa isla meel dhigay inta uu shirka socday muhiimadda uu leeyahay hannaanka geedi socodka siyaasadeed ee dalka, dadaallada xasilinta dowladnimada iyo sii-amba-qaadidda qorshaha Qaran ee qabsoomidda doorasho daah-furan.

Cismaan Muxuyadiin Shaatax guddoomiyaha ururada bulshada rayidka oo kulanka Madaxweynaha kaddib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulanka looga hadlay xaalada uu xiligan marayo dalka.

Ururada bulshada rayidka ayaa mudooyinkii dambe  waday kulamo ay la qaadanayaan madaxda dowladda ito maamul goboleedyada iyaga oona u sheegayay in khilaaf waliba lagu dhammeeyo wadahadal iyo is afgarad islamarkaana lisu tanaasulo si dalka hormarkiisa loogu shaqeeyo.

Sidoo kale ururada bulshada rayidka ayaa tilmaamay in loo baahanyahay in doorashada dalka ee la filayo inay ka dhacdo ay noqoto mid ku qabsoonta waqtigeeda iyada oo laga fogaanayo eex iyo isdaba marin.



Post Views:
108



Radio Kulmiye

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .