
Muqdisho-KNN-Booliska gobolka waqooyi-bari Nigeria ee Katsina ayaa sheegay in ugu yaraan lix caruur ah ay ku dhinteen qarax ka dhacay meel tuulo ah.
Qaraxa ayaa waxaa uu sidoo kale dhaawac ka soo gaaray shan caruur ah. Gobolkan oo uu ka soo jeeda madaxweyne Muhammadu Buhari ayaa waxaa aad ugu yar qaraxyada.
Booliska gobolka Katsina ayaa sheegay in qaraxa bambaano uu dhacay kaddib markii caruur aan garaneyn bambada oo caws u jarayay xoolo xaafadeed ay soo qaadeen.
Qaraxa ayaa waxa uu gaar ahaan ka dhacay tuulada Yammama, waxayna caruurta ay waxyeellada ka soo gaartay da’doodu u dhaxeeysay 9-12 sano jir.
Shan ka mid ah caruurta uu qaraxa galaaftay noloshooda ayaa hal qoys ka soo jeeday
Post Views:
35
More Stories
Barnaamijka Murti iyo Maaweelo (24-06-2022) – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia
Daawo: Dhabancad oo shaaciyey qorshihii Farmaajo iyo Rooble ee meteladii Gedo
Barnaamijka Hambalyada iyo Salaamaha{24-06-2022} – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia