Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

June 24, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Mid kamid ah Shaqaalaha Dowladda oo qarax ku dhintay & DFS oo ka hadashay


Qarax Miinada nooca dhulka lagu Aaso ah ayaa xalay waxaa uu ka dhacay kasoo horjeedka Maqaayada Crems oo ku taalla Agagaarka Isgoyska Taleex degmada Hodan ee Gobolka Banaadir,waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Qaraxa oo la sheegay in lala eegtay Gaari uu leeyahay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga ayaa waxaa ku geeriyooday Wiil Dhalinyaro ahaa kana tirsanaa Shaqaalaha Wasaaradda Cadaalladda Xukuumadda Soomaaliya,kaas oo lagu Magacaabi jiray Ilyaas Sheekh Maxamed Cabdi Kariin halka Saddex Ruux ay ku dhaawacmeen.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa uga tacsiyadeeyay ehellada iyo Asxaanta uu ka geeriyooday Marxuum Ilyaas Sheekh Maxamed Cabdi Kariin oo kamid ahaa Shaqaalaha Dowladda.

Qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mararka qaar waxyelo ay kasoo gaartaa mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda, Askar iyo dad Shacab ah oo ku sugan meelo u dhow halka uu qaraxa ka dhaco.



Radio Cadaado

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .