

(London) 19 Luulyo 2020. Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa lagu soo warramayaa in aanay weli go’aan ka gaarin inay u dhaqaaqdo goolhayaha Manchester United ee Dean Henderson ka hor xilli ciyaareedka soo aaddan.
23-sano jirkan ayaa labo sano oo amaah ah ku qaatay Kooxda Sheffield United, iyadoo naadiga lagu naynaaso The Blades ayaa weli ku rajo weyn tahay inuu qandaraaska u kordhiyo oo uu ugu daro sanad kale.
Chelsea ayaa ku qasban inay keento Henderson si uu si joogto ah bedel ugu noqdo goolhaye Kepa Arrizabalaga, laakiin Jariiradda Express ayaa sheegeysa in Frank Lampard uusan wali hubin wax la sameeyo.
Waxaa loo maleynayaa inuu Macallin Lampard sugi doono ilaa xagaaga ka hor inta uusan ka hadlin u dhaqaaqista Goolhaye Henderson, inkastoo taasi ay ku xirnaan doonto haddii Chelsea ay ka heli karto koox iibsata Kepa, kaasoo kaliya kaga soo biiray naadiga Athletic Bilbao labo sano ka hor weliba heshiis dhan 71 milyan oo gini.
Goolhaye Henderson oo aan weli u ciyaarin xulka qaranka waa weyn ee England ayaa heysta labo sano oo kaga harsan qandaraaskiisa haatan ee garoonka Old Trafford, maadaama xiddigan ay milkiyaddiisa leedahay Man Utd.
Gool FM.
More Stories
Kooxdii ugu horreysay ee ka dhisan Spain oo isaga baxday tartanka European Super League – Gool FM
Kooxda Inter Milan oo isaga baxday tartanka European Super League – Gool FM
Isku aadka tartanka kubadda cagta ee ciyaaraha Olimbikada oo la soo saaray, xilli xulal waa weyn ay isku aadeen – Gool FM