
Muqdisho-KNN-Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa digniin kasoo saartay dabeylo ay sheegtay inay ka dhasheen roobka Xagaaga ah ee dalka ka da’aya.
Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in laga cabsi qabo in dabeylahaasi ay ku dhuftaan dhulka xeebta ah ee dhaca gobollada Jubbooyinka iyo Shabeellada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.
“Dabeyshan kasoo bilaabatay jihada koonfureed ee gobolka Jubbada Hoose, kuna socota xawaare u dhaxeeya 30-45 KM saacadiiba ayaa ku wajahan jihada waqooyi bari ee Soomaaliya, waxayna ku socotaa dhulka xeebta ah ee dhaca inta u dhaxeysa labada jiho” ayaa lagu yiri digniinta ka soo baxday Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee xukuumadda Soomaaliya.
Sidoo kale wasaaraddu waxay shaacisay in saameynta dabeylahani la saadaalinayo inay bilaabato saacadaha nasoo aadan, waxaana halista ugu badan wajahaya magaalooyinka Kismaayo, Afmadow, Jamaame, Badhaadhe, Marka, Baraawe, iyo deegaano kale oo dalka ka mid ah.
Halista ugu weyn waxaa lagu sheegay digniintan inay dabeylahaasi geysan karaan bur-bur hantiyeed oo soo gaara guryaha deegaanada dhaca dhulka xeebaha ah iyo doonyaha kalluumeysiga, waxayna wasaaraddu uga digtay bulshada ku nool deegaanadaas lagu xusay digniintan inay muujiyaan taxadar dheeraad ah.
Sidoo kale Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa ugu baaqday maamullada ka jira degmooyinka lagu xusay qoraalkan iyo hey’adaha gar-gaarka ee ka howlgala inay u diyaar garoobaan xaaladan soo xusboonaatay, isla markaana ay taageero u muujiyaan bulshada ku dhaqan xeebaha iyo deegaanada bariga ah ee dalka.
Ugudambeyntii waxaa lagu sheegay digniintan in dabeylaha horay looga arki jiray meelaha qaar, xilliyada xagaaga, balse sanadkan ay ka sii xoogeysteen sidii hore.
Post Views:
101
More Stories
Barnaamijka Murti iyo Maaweelo (24-06-2022) – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia
Daawo: Dhabancad oo shaaciyey qorshihii Farmaajo iyo Rooble ee meteladii Gedo
Barnaamijka Hambalyada iyo Salaamaha{24-06-2022} – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia