Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

June 24, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Axmed Madoobe oo laga reebay kulamo Farmaajo uu Dh/mareeb kula qaatay D/goboleedyada


Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa lagu wadaa in uu ka furmo shir u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada dalka kajira,kaa soo looga arrinsanayo xalka gaarista Arrimaha doorashada.

Shirkaan ayaa ka dhashay shir ay dhawaan Dhuusamareeb ku yeesheen Madaxda Dowlad Goboleedyada, iyaga oo Madaxda Sare ee dowladda ugu baaqay inay wajiga labaad ee Shirka kasoo qeyb galaan si loo wada tashado.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkaasi uu guddoomin doono Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isla markaana looga hadli doono hannaanka geeddi socodka siyaasadeed iyo amni ee dalka, iyo qabsoomidda doorasho waafaqsan dastuurka, sharciga doorashooyinka iyo xeerarka dalka.

Magaalada Dhuusamareeb waxaa ku sugan Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Kheyre, Madaxweynaha Jubbaland oo xalay dib ugu laabtay Dhuusamareeb, iyo Madaxda Maamulada Koonfur Galbeed, Hir-Shabeelle iyo Galmudug,waxaana la filayaa in uu Maanta dib ugu laabto Dhuusamareeb Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Xalay Magaalada Dhuusamareeb waxaa ka dhacay kulamo u dhaxeeyay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada marka laga reebo Madaxweynaha Jubbaland, iyaga oo ka arrinsanayay sida loo wajahayo shirka ay wada yeelan doonaan.

Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay,waxaana ku sugan Ciidamo kala duwan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo Ciidamo gaar ah oo ay wataan Madaxda Sare ee dowladda iyo Dowlad goboleedyada.



Warqaad news

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .