Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

June 24, 2022

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

DAAWO:- Madaxweyne Farmaajo Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Dhuusamareeb + SAWIRRO


July 18, 2020 Dhuusamareeb (Cadceed) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Guddoomin doona Shirka Wadatashiga Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ayaa soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ee Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Ku-xigeenkiisa Mudane Cali Daahir Ciid, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Mudane Maxamed Nuur Gacal iyo Ku Xigeennadiisa, Xubno ka tirsan Goleyaasha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Shirkan oo loo asteeyey in uu ku qabsoomo magaalada Dhuusamareeb ayaa ku saabsan hannaanka geeddi socodka siyaasadeed iyo amni ee dalka, iyadoo madaxdu ay ka arrinsanayaan qodobbada muhiimka u ah dowlad dhiska dalka oo ay ugu horreyso qabsoomidda doorasho waafaqsan dastuurka, sharciga doorashooyinka iyo xeerarka dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb waxa uu kulamo gaargaar ah la qaadan doonaa Madaxda Heer Dowlad Goboleed, waxgaradka deegaanka iyo bulshada rayidka ah.

              

Cadceednews Hargeysa



Cadceed News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .