Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

September 17, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Taiwan Oo Deeq Waxabarasho Ah Siinayasa Ardayda Somaliland.


CaptureJuly 15, 2020 Hargeysa (Cadceed) – Wakiilka cusub ee Taiwan usoo magacowday Somaliland, kadib heshiiskii is-afgarad ayaa magaalada Hargeysa kulan kula yeeshay Wasiirka waxbarashada Somaliland.

Lou Chen-hwa, Wakiilka Taiwan ee Somaliland ayaa kulan la qaatay Wasiirka iyo mas’uuliyiin ka tirsan wasaarada waxbarashada, iyada oo kulankaasi ku wehlinayay ku-xigeenka wakiilku.

Kulankaasi ayaa looga hadlay iskaashiga labada dhinac ee waxbarashada, iyada oo si gaar ah diirad loogu saaray sidii ay Taiwan uga caawin laheyd ardeyda reer Somaliland sidii ay u heli lahaayen deeqo waxbarasho.

Waxaana dhawaan la filayaa in xukuumada Taiwan ay deeqo waxbarasho siiso ardey reer Somaliland ah, kuwaasi oo u safri doona Jasiiradan sheegata inay ka go’day shiinaha.

Somaliland iyo Taiwan ayaa hore u kala saxiixday heshiis iskaashi oo uu qeyb ka yahay arrinka waxbarashadu, midaasi oo si rasmi ah loo bilaabay dar-dar gelinteeda.

Lou Chen-hwa ayaa hore u ahaa wakiilka Taiwan u qaabilsan dalka Sacuudiga, iyada oo dhawaan xili uu ku sugnaa Hargeysa loo magacaabay xilkan cusub ee ka dhashay heshiiska is-



Cadceed News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .