Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

November 29, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Mareykanka oo ka hadlay diyaaraddii shalay ku soo dhacday Beledweyne – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia


Muqdisho-KNN-Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Soomaaliya ayaa war ka soo saaray diyaaraddii shalay ku bur burtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Warkanka ka soo baxay xafiiska Safaaradda Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay in nasiib darro ay ahayd soo dhicitaankii ay soo dhacday diyaaraddii shalay ku dhacday magaalada Beledweyne.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay in Mareykanku uu ku faraxsan yahay in shilkaasi diyaaradeed aysan ka dhalan khasaare nafeed isla markaasina waxaa loogu mahadceliyay dadkii ka qayb qaatay badbaadinta shaqaalihii diyaaradda saarnaa.

Diyaaraddan shilka gashay ayaa waxaa la sheegay in ay saarnaayeen raashin gar gaar ah oo ka timid dawlada Mareykanka si uu ugu caawiyo Shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Mareykanku uu marwalba garab taagan yahay dhammaan Shacabka iyo dawlada Soomaaliyeed dhinac walbana uu ka taageeri doono.



Post Views:
206



Radio Kulmiye

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .