Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

September 17, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Mareykanka ma wuxuu doonayaa inuu Turkiga cunaqabateyn saaro?






 

 

 

Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa wuxuu xaqiijiyay in Mareykanka uu ka xunyahay go’aanka Turkiga ee ah inuu Hagia Sophia u badalo Masjid, laakiin wuxuu diiday inuu caddeeyo in dalkiisu uu ka fiirsanayo inuu cunaqabateyn kusoo rogo Turkiga tallaabadaan darteed.

Pompeo ayaa wuxuu shir-jaraa’id oo uu qabtay maanta ku sheegay isaga oo ka jawaabaya su’aal ku saabsan in maamulka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka fiirsanayo inuu cunaqabateyn kusoo rogo Turkiga Hagia Sophia darteed ayaa yiri “Niyad jab xoogan ayaan ka dareemeynaa arinka, waana ka xun nahay go’aanka ay qaadatay dowladda Turkiga.”

Si kastaba ha ahaatee Pomeo wuxuu diiday inuu caddeeyo suurtagalnimada cunaqabateyn lagu saari karo Turkiga isagoo yiri: “Waxba kuma dari karo arinkaan.”

Jimcihii la soo dhaafay, Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa wuxuu saxeexay sharci Hagia Sophia loogu badalaayo masaajid ayadoona arinkaas la hirgalin doono 24-ta Luulyo. Go’aankan ayaa la kulmay dhalleeceyn caalami ayadoo ay kahor yimaadeen dalal dhowr ah iyo ururo ay ka mid yihiin Griiga, Midowga Yurub, Mareykanka, UNESCO, iyo qaar ka mid ah wadamada carabta, gaar ahaan Imaaraadka iyo Masar.










Warqaad news

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .