Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

September 19, 2021

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Guddoomiye Mursal Oo Kasoo Horjeestay War-murtiyeedka Shirkii Dhuusamareeb


Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa kasoo horjeestay qodobadii kasoo baxay shirkii wadatashiga maamul goboleedyada ee Dhuusamareeb.

Guddoomiye Mursal ayaa sheegay inaysan maamul goboleedyadu ka hadli karin nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa taas go’aan gaaristeedana ay leeyihiin golaha shacabka, isla markaana ogolaan doonin inay dhacdo doorasho dadban.

“Meel ay ku qoran tahay ma jirto xilligaan in la aado doorasho dadban, wixii shuruuc ah ee doorasho lagu aadi lahaa waxaa iska leh Baarlamaanka malahan dowlad goboleedyada.” ayuu yiri Guddoomiye Mursal.

Sidoo kale Mursal ayaa ka hadlay safarkii guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka Mahad Cawad uu ku tagey Dhuusamareeb isagoo sheegay inay la yaab ku noqotay arrintaas isla markaana uusan matalin baarlamaanka.

“Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cawad matalaad uu matalayo Golaha Shacabka kuma aadin magaalada Dhuusamareeb, arrintaas fajac ayay nagu noqotay markii aan aragnay sawirada isaga oo la socda Ra’isal Wasaaraha, saaxibkeen Mahad Cawad danihiisa ayuu u aaday Dhuusamareeb ee anaga nama matalo, guddoon daba socda Xukuumadda wa ceeb” ayuu yiri Guddoomiye Mursal.

Hadalka guddoomiyaha golaha shacabka ayaa kusoo beegmaya xili uu madaxweynaha Faraamjo ku wajahan yahay magaalada Dhuusamareeb isagoo halkaas kaga qaybgali doona wajiga labaad ee shirka Dhuusamareeb.

Horseed Media



Horseed News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .