July 10, 2020

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Xiddiga ku guuleystay abaal-marinta laacibka bisha June ee Premier League oo lagu dhawaaqay – Gool FM




(England) 10 Luulyo 2020. Waxaa shaaca laga qaaday xiddiga iyo sidoo kale macalinka ku guuleystay abaal-marinta kan ugu fiicnaa horyaalka Premier League bishii lasoo dhaafay ee June.

Sida lagu xusay bogga rasmiga ah Twitter-ka ee horyaalka Premier League Khadka dhexe ee kooxda Manchester United ee Bruno Fernandes ayaa ku guuleystay abaal-marinta xiddigii ugu fiicnaa horyaalka Premier League ee bishii la soo dhaafay ee June.

Bruno Fernandes ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed heer sare ah tan iyo markii uu yimid kooxda Manchester United, taasoo ka dhigtay in loo caleemo saaro abaal-marinta ciyaaryahankii ugu fiicnaa horyaalka Premier League bishii lasoo dhaafay ee June, kaddib markii uu dhaliyay 4 gool, wuxuuna sidoo kale ka caawiyay gool saaxiibadiis Red Devils.

DEG-DEG: Bruno Fernandes Oo Bishii Labaad Oo Xidhiidh Ah Ku ...

Bruno Fernandes ayaa markii labaad oo isku xigta ku guuleystay abaal-marinta xiddiga ugu fiicn bisha ee horyaalka Premier League, wuxuuna noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee ka tirsan kooxda Man United ee sidaas sameeya markii ugu horeysay tan iyo sanadkii 2006-dii, kaddib markii uu sidaas sameeyay Cristiano Ronaldo.

Laacibka reer Portugal ayaa abaal-marintan ku garaacay xiddigaha kala ah, Conor Coady, Raul Jimenez, Danny Ings, Saint-Maximin iyo Anthony Martial.

Halka tababaraha kooxda Wolverhampton ee Nuno Espírito Santo uu ku guuleystay abaal-marinta tababarihii ugu fiicnaa horyaalka Premier League bishii lasoo dhaafay ee June, kaddib 5 kulan uu hoggaamiyay kooxdiisa wuxuu guul gaaray 4 ka mid ah, wuxuuna barbaro galay 1 kulan, halka kooxdiisa ay dhalisay 7 gool, waxaana laga dhaliyay 1 gool, halka shabaqooda oo nadiif ah ay ilaashadeen saddex kulan.

Image

Gool FM.






Gool Fm News

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .
Open chat
Mau baahantahay caawimo?