July 10, 2020

Idman news

Wararka Jaraaidyada Soomaalida ay qoreen

Masar oo sheegtay u badalida Aya Sophia loo badalaayo Masjid ay kahor imaaneyso dhaqanka islaamka.


 

Wakiilka hore ee Al-Azhar, Cabbaas Shooman, ayaa wuxuu sheegay in aragtida Turkiga ee ah inay u rogto Matxafka Hagia Sophia masaajid aan diinta Islaamka waafaqsanayn, isla markaana aan waafaqsaneen ixtiraamka goobaha cibaadada ee dhammaan diimaha.

Cabbaas Shooman wuxuu yiri maanta oo Jimce ah: “Islaamku wuxuu ixtiraamayaa meelaha lagu cibaadeysto ee diimaha kaladuwan, mana ahan wax la ogol yahay in kaniisadda loo beddelo masaajid, sida aan loo ogoleyn in masaajidka loo beddelo kaniisad, Mabda’daasna waa mid uu diidayo fikirka Al-Azhar, waana waajib in goobaha cibaadada lagu ixtiraamo dhammaan kuwa raacsan diimaha kala duwan.”

Asigoo hadalkiisa sii wato ayaa wuxuu intaas ku daray: “Wixii la xiriiro Islaamku waa Islaam, waxa diinta kiristanka ka mid ahna waa Masiixi, wixii ku saabsan diinta Yuhuudda waa Yuhuud, dhaqankan turkigana waa mid kicinaya saxmad isla markaana aan waadaqsaneyn tacaaliinta Islaamka ee aan ognay horayna aan u soo dhaqan galin jirnay sidoo kalana ay soo hirgaliyeen kuwii naga horreeyay ee xaqqa ah ku taagnaa kuwaasoo aqoon u lahaa ixtiraamida muqadasaatka diimaha kale” waa siduu hadalka u yiriye.

Hadalkaan ayaa imaanayo kadib markii Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan uu dhawaan sheegay hadal kiciyay muran xoogan ka dib markii uu shaaca ka qaaday inuu damacsan yahay inuu dib u furo Aya Sophia si ay ugu tukadaan Muslimiinta oo markale Masjid looga dhigo.

Maxkamada sare ee Turkiga ayaa dhawaan go’aan ka gaari doonto hadii Matxafkaas dib loogu badalaayo Masjid iyo hadii kale waxaana xusid mudan in Aya sophia ay markii hore aheyd Kaniisad ayadoona kadib loo badalay Masjid waxayna Masaajid aheyd mudo kabadan 4 qarni kahor intaanan 1934tii laga dhigin Matxaf.

Dhanka kale hadalka Wakiilkii Hore ee Al-Azhar ayaa wuxuu imaanayaa kadib markii dhawaan Muftiga Masar uu sheegay in Khilaafadii islaamiga ee Cuthmaaniyiinta ay ahaayeen gumeystayaal hadalkaasoo muran xoogan dhaliyay wuxuuna daba socdaa khilaafka xoogan ee Masar iyo Turkey ka dhaxeeyo.



Warqaad news

How useful was this post?

Click on a star to rate it!

Average rating / 5. Vote count:

No votes so far! Be the first to rate this post.

Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

Author

Mohamed Mohamoud

Author and the owner of idman news

Lasoco xaaladda EAST AFRICAN COUNTRIES ugu danbaysay ee Xanuunka CORONAVIRUS .
Open chat
Mau baahantahay caawimo?